Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Magaalada Garowe

0
205

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu gaaro Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Safarka Madaxweynaha uu ku gaari doono Magaalada Garoowe, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku hayo Hiigsiga 2016-ka, waxaana la filayaa in halkaasi uu kulan kula qaadan doono Xubno ka kala socda Maamulada Jubba, Koofur Galbeed iyo Maamulka Puntland oo marti loo noqon doono.

Axmed Sheekh Cabdi Daahir oo ah La-taliyaha dhanka Hiigsiga cusub ee maamulka Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in Magaalada Garoowe ay ku balansan yihiin Madaxweyne Xasan, waxa uuna sheegay in ahmiyada kulanka uu yahay in si wada jir ah ay u dhaqan galiyaan Hiigsiga cusub.

Safarka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu daba socdaa Safar ay dhawaan Madaxweynayaasha Jubba, Koonfur Galbeed iyo Puntland ku imaaden Magaalada Muqdisho, waxa uuna iminka kulanka garoowe u dhexeyn doona Xassan Sheekh iyo Hogaamiyayaasha Seddexda Maamul Goboleed.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here