Zakariye Ismaciil oo qorshe culus laga damacsan yahay iyo Mareykanka oo..

0
235

Muqdisho(INO)-Iyadoo dhawaan Liiska argagixisada sida aadka ah loo doon-doonaayo ee Mareykanka laga saaray Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano “Zaki”, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo warar hoose oo sheegaya in Zakariye laga damacsan yahay Siyaasado fog.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Zakari loo wareejin doono Xarunta Xalane halkaasi oo lagu siin-doono magangalyo Siyaasadeed.

Xarunta Xalane ayaa waxaa degan Saraakiil iyo Ciidamo cadaan iyo Afrikaan isugu jiro, waxaana la tilmaamayaa in qorshaha Zakari halkaasi lagu dajinaayo ay wataan Saraakiisha Laamaha Amaanka Dalka Mareykanka ka jooga Magaalada Muqdisho, si looga helo macluumaad intii hore ka baaxad weyn.

Zakariye ayaa markii hore dalbaday in laga musaafuriyo Somalia si uu amaan iyo nolol wanaagsan ugu helo dalalka uu amaanka ka jiro, hayeeshee waxaa arrintaasi hor istaagay Sirdoonka Mareykanka, waxa ayna taasi bedelkeeda u balan-qaaden inay dhex dajin doonaan Xarunta Xalane halkaasina lagu xaqiijinaayo Amaankiisa.

Khubaro u dhoon-daloola arrimaha Siyaasada Somalia, ayaa iyagu ka digay in Sargaalkaani baxsadka ka ah Maleeshiyada Alshabaab loo gacan galsho Sirdoonka Reer galbeedka, waxa ayna walaac adag ka muujiyeen inta ay lasii ekaan karto noloshiisa, waa hadii la dajiyo Xalane iyo Goobaha ay ku hoydaan Sirdoonka Muqdisho ka jooga Caalamka intiisa kale.

Maxamed Abuukar Nor oo kamid ah dadka u dool-daloolo arrimahaasi ayaa sheegay inay suuragal tahay in ujeedku uu yahay mid lagu dal dalaayo Zakariye Ismaaciil, hadii marba la dajiyo Xarunta Xalane waxa uuna ka digay in muwaadinkaasi kasoo laabtay falalkii gurcanaa ay DF Somalia magan galiso ama ay ka musaafuriso dalka oo idil.

Arrintaani ayaa waxa ay walaac ku abuurtay Saraakiil dhowr ah oo horay isugu soo dhiibay DF Somalia, waxa ayna suuragalin kartaa in hakat uu galo Horjoogayaashii kale ee u hanqal taagaayay inay isu soo dhiibaan DF.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here