Ceptown(INO)-Markii hore been-abuur ayaan u malaynaynay inay Soomaalida ina dilaan, balse sanadkaan ayey si toos ah iskusoo bandhigeen oo si bareer ah shaashadaha iyo kaamirooyinka u qabteen, mana u dul-qaadan doono” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Xubnaha ugu firfir coon Xisbiyada Mucaaradka ee dalkani K/Afrika.
Waa arrin soo shaac baxday billooyinkii ugu dambeeyey, ka dib markii Tuulooyin badan oo ay Muwaadiniinta Soomaalida ku ganacsadaan la boobay, islamarkaana gabi ahaanba la xaalufiyey wixii yiilay, waxaana dantu-kaliftay in tiro ganacsatadaasi ka mid ah ay si qarsoodi ah usoo iibsadaan hub ay isku difaacaan, waxaase arrinta qurmiyey oo kashifay markii qaar ka mid ah Soomaalida ay si bareer ah rasaas ugu fureen dad banaanbaxyo-boob isku badalay dhigayey oo caruur iyo haween u badnaa, taasi oo sababtay geerida wiil yar oo Arday ah deegaanka Soweto ee duleedka Johannesburg.
Sidoo kale bil ka hor ayey aheyd markii qof Soomaali ah lagu eedeeyey inuu xabad uu riday ay u dhimatay gabar yar oo ka mid aheyd dad caraysan oo boob ka waday tuulada Philipi ee Gobalka Western Cape, inkastoo Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ay waalidka intaasi yar dhalay ay magdhow ka siiyeen dilka gabadhooda, si loo yareeyo carro xoog leh oo ay dadka deegaanka ka qaadeen falkaasi.
Si kastaba, warar hoose oo uu xaqiijiyey qareenada (Afukaate) ka shaqeeya Maxkamad ku taalla Cape Town, waxaa dacwad dhowr bog ka kooban Dowladda K/Afrika usoo gudbiyey qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka, iyagoo ku eedeeyey Soomaalida inay banaysatay dilka dadkooda ayna ka codsadeen Dowladda in Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ma jiro wali war cad oo dacwaddan ku saabsan oo kasoo baxay Dowladda Koonfur Afrika.
K/Afrika, ayaa ka mid ah dalalka sida arxan darada ah dhiigooda loogu daadiyo muwaadiniinteena Soomaaliyeed, wallow sanadkii tagay (2014) ay aad u yareyd tirada dadka la dilay.
Idale News Online, Ceptown.