Ex.Wasiir Goodax Barre Oo Fashilay Sir Naxdin Badan Uu Ka Haayay Kooxda Damul-Jadiid !

0
229

Muqdisho(INO)Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo Wareysi siiyey Idaacada Goobjoog ayaa sheegey in maamulada KMG ah ee dhisan aysan ahayn kuwa sharci ku yimid, isaga iyo wasaaradiisana aysan ogol ka ahayn markii la dhisayay.

“Runtii waxaan kumeel gaarka la leeyahay waa wax laga fiicanyahay, koleey mas’uuliyiinta sare ayaa markaasi u arkay in ay xal tahay, wasaaraddu arrintaasi xal uma arkaynin, sababtoo ah wax kasta oo sharci daro lagu dhiso waa lagu dhibtoonayaa, marka maamuladan kumeel gaarada ah ee dastuurka waxa uu faraayo khilaafsan, la dhoodhoobaayo, ee la leeyahay waa kumeel gaar ee marka dambe qof gacantiisa galeyso, waa wax laga fiicanyahay” ayuu yiri Goodax Barre.

Waxa uu ka hadlay qaabka uu jeclaan lahaa in loo maro “Waxaa ka fiicneyd dhibkii doonto ha laga maree in wax rasmi ah oo wixii dastuurkeena uu tilmaamay ah la sameeyo, kuligoodna waa kala nooc oo hadda qaab isku mid ah oo ay marayaan ma jiro, mid waxaa dhalay heshiiskii addis ababa, midna waxaa dhalay lix iyo sedex gobol oo la wada hadashiiyey, kuwa kale qaab kale ayay la iman doonaan” .

Waxa kale oo uu sheegey in maamuladan ay gacanta u galeen shakhsiyaad gaar ah oo sida ay doonaan ka yeelan doona xitaa haddii kumeelgaarka laga boxo“Hadda in kumeel gaarka laga boxo oo wax rasmi ah loo tago waa in uu hadane si uun la’iskaga dhawaaqo oo la dhoho kumeel gaar ma ahan , hadane in qof uun ay awoodii gacantiisa gasho”.

Waxa uu dhaliiley hadal uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ka sheegey mar uu booqasho ku tagay magaalada Kismaayo “Maalin dhaweyd waad arkayseen madaxweynaha mar uu Kismaayo tagay xoogaa intuu jalboodey (Qiiroodey ) oo uu yiri kumeel gaar maba tihiin oo wax fiican ayaad tihiin, waxaasoo idil waa qof iyo aragtidiisa, ee ma ahan wax shuruucdeena iyo dastuurkeena ku salaysan”.

Mar aan wax ka weeydiiney mar haddii uu ogaa in waxa socda ay yihiin wax khaldan sababta uu oga hadli waayay, iyo cidda isaga wasaaradda arrimaha gudaha la maamuleysey, ayuu ku jawaabay “Cidda ila maamuleysey wasaaradda Soomaalida dhan waa u muuqatay waa sedexda mas’uul ee dalka ugu sareeya, madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, intuba ninba dan gaar ah ayuu lahaa sida ii muuqanaysay, markii dambana iyagaaba isaga hor yimid, oo markii dambe khilaafyadaad aragtey ay ka dhaceen,”

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here