Riyadh(INO)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka digtay heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka hubka nukliyarka ee Iran.
Mid ka mid ah madaxda sare oo ka tirsaan qoyska boqortoyada Sacuudiga ayaa ka digaay hashiis laga gaaro hubka nukliyerka taaso oo sababi karto in dalalka kale ay iyaguna hurmariyaan barnaamij nukliyar ah.
Boqor Turki al-Faysal, oo ah madaxa sirdoonka dalkaasi, ayaa BBC-da u sheegay in Sacudigu ku dadaali doonto inuu yeesho xaq la mid ah kan Iran.
Lixda wadan ee adunka ugu awoodda badan ayaa Iran kula jiro wadahadal la doonayo in lagu soo afjaro barnaamijka nukiliyerka Iran, balse wax horumar ah weli lagama gariin.
Idale News Online, Riyadh.