Prof Jawaari oo ka codsadey Ra’iisul Wasaare Saacid in golihiisa hor keeno barlamaanka ka hor 17 November

0
215

Xili shalay galinkii danbe si toosa loo shaaciyay Magacyada Gollaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa Raizul Wasaare Sacid laga codsaday inuu Baarlamaanka horkeeno Wasiirada Cusub si ay dib u eegis ugu sameeyaan ama u diidaan ama uyeelaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu xildhibaannada hor keeno wasiirrada la magacaabay ka hor 17-ka bishan November.

Guddoomiyaha oo shalay ka hadlay xafladdii magacaabista wasiirrada cusub ayaa sheegay in baarlamaanka uu ka codsanayo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon inuu sida ugu dhaqsiyaha badan baarlamaanka ku hor keeno wasiirrada, si cod loogu qaado.

Prof Jawaari ayaa sheegay Xukuumada Cusub in ay baarlamanka hor tagi doonto taasoo uu sheegay inay tahay arin Dastuur ah isla markaana loo baahanyahay si ay howshooda u bilaabaan in la horkeeno Baarlamaanka.

Idale News Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dardaarmay wasiirrada cusub inay ogaadaan inay u shaqeeyaan dadka iyo dalkaba, loogan baahan yahay gudashada waajibaadka saaran.

Isku soo wada duuboo Baarlamanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay gollaha wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya dib u eegis ku sameeyaan isla markaana anisixyaan ama diidaan.