Nicholas Kay oo maanta booqasho ku tagey Magaalada Baydhabo, xilli ammaanka la xoojiyay

0
208

Muqdisho(INO)Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa maanta booqasho rasmi ah waxa uu ku tagey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Khamiistii, ayaa weerar abaabulan lagu qaaday Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, xilli uu ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo uu werarkaasi ka badbaaday.

Wakiilka iyo wefdi uu hogaaminaayay oo ka degay Garoonka Baydhabo, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, waxa uuna xiilligan kulan kula lee yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay iminka lee yihiin shir ay albaabada u xiran yihiin, Saxaafadana looga warami doono kolka la soo gaba gabeeyo.

Warar horudhac ah, ayaa sheegaya in labada dhinac ka wada hadlayan, sidii loo kordhin lahaa taageerada uu caalamka siinayo Maamulka Koonfur Galbeed.

 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here