lahor(INO)-Wararka ka imaanaya Magaaada Lahore ee Dalka Pakistaan ayaa sheegaya in maanta oo axad ah ay magaaladaasi ka dhaceen qaraxyo xoogan oo lagu weeraray kaniisado ay ku cibaadeesanayeen dad masiixiyiin ah.
Qaraxyada oo labo ahaa ayaa lagu weeraray labo kaniisad oo kutaala Magaalada Lahore, waxaana la sheegay in qaraxyadan ay ka dhaceen kaniisado kuyaala xaafad ay ku badan yihiin dadka Masiixiyiinta ah ee u dhashay Dalka Pakistan.
Ku dhawaad 10-qof ayaa la sheegay in qaraxyadaasi ku dhinteen halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50-qof oo kale , waxaana goobaha kaniisadaha ah ee qaraxyada lagu weeraray lagu arkayay dhiigag badan oo daadsan .
Koox Taalibaanka Pakistan ka go’day, oo la magac baxday Jamaacatul Ahraar ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan maanta lagu qaaday Kaniisadaha ay ku cibaadeesanyeen dadka masiixiyiinta ah ee u dhashay Dalka Pakistan.
Bulshada masiixiga ee Pakistan ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo beegsi kala kulmaan Kooxaha mintidiinta ee ka dagaalamada dalkaasi, waxaana marar badan weeraro lagu qaaday dad masiixiyiin ah uu u dhashay Dalka Pakistan.
Idale News Online, Lahor.