Xilliga Uu Furmayo Shirka Maamul U Sameynta Mudug Iyo Gal-gaduud Oo La Shaaciyey

0
207

Guracel(INO)-Guddiga Farsamada ee shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay waqti uu furmaayo shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka.

1-dii Bishan Maarso ayaa lagu waday inuu shirko furmo, hayeeshe wuu baaqday markii Odayaasha ku shirsan Magaalada Dhuusa Mareeb shirkooda ay ku darsadeen muddo dhan 25-maalin inta uu soconaayo shirkooda.

Afhayeenka Guddiga farsamada shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble oo la hadlay Idaacada Kulmiye, ayaa sheegay in 25-ka Bishan uu shirka furmaayo, maadaama ay dhamaadeen waxyaabihii uu shirka u xanibnaa.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in waxyaabaha loo baahnaa oo shirka muhiimka u ahaa dhamaan ay soo dhamaadeen, iminkana la isku diyaarinaayo sidii 25-ka Bishan shirka uu kaga furmi lahaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Amisom ayuu sheegay inay dhawaan tagi doonaan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgadudu si ay u sugaan xarunta shirka amnigeeda, isaga oo hadalkiisa intaasi ku daray in caqabadaha shirka hortaagnaa ay ka mid ahaayeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

Afhayeenka ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in wax waliba iminka ay dhamaadeen caqabadihii hortaagnaa shirkana laga gudbay oo Bishan dhamaadkeedii shirka si rasmi ah u furmi doona.

Musharaxiin badan ayaa u taagan qabashada hogaanka Maamulka Gobolada dhexe, iyadoo aan la saadaalin Karin shaqsiga hogaanka Gobolada ku guuleysan doono.

Idale News Online, Guracel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here