Muqdisho(INO)-Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Wasaarada Amniga DF Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaasi uu Tuhun ka qabo Ibraahim Isaaq Yarow oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Amniga.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in wasiirka uu ku tuhmayo Ibraahim Isaaq Yarow uu is daba-mariyay Hub farabadan oo lagu soo qabqabtay Dhalinyaro ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab.
Hubkaasi ayaa la sheegayaa inay isugu jireen dhowr nooc waxaana hadda socda baaritaano lagu sameynaayo Ibraahim Isaaq yarrow iyo xubno kale oo iyaguna qeyb ka ah tuhunka.
Wasiirka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar, ayaa arrintaani u gudbiyay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, si meesha looga saaro kala shaki ka dhex dhashay Hay’adaha Amaanka.
Arrintaani ayaa imaaneysa xili dhamaadka sanadkii tagay ay DF Somalia isku soo dhiibeen Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab iyo Hub farabadan oo ay wateen, halka Howlgalo dhowr ahna lagu soo qabqabtay Hub u badnaa noocyada culculus.
Idale News Online, Muqdisho.