Muqdisho(INO)-Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay soo bandhigtay Muuqaal iyo sawiro muujinaya qaabkii ay Dagaalyahano katirsan Kooxdaasi u dileen Gudoomiyihii Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Xasan Cali (Maamow).
Muuqaalka iyo Sawirada ay Al-Shabaab soo bandhigeen ayaa muujinaya Dagaalyahano katirsan Kooxdaasi oo jidka u galay gawaari uu la socday Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba oo xiligaasi kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.
Rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ayaa muuqaalka laga arkayay iyaga oo laamiga dhaxdiisa ka dagaalamaya kuwaa oo rasaas huwinayay gawaaridii uu la socday Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Xasan Maamow.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale Muuqaalka ay soosaareen kusoo bandhigay Meydka Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba iyo sidoo kale dukumiintiyo iyo agabyo kale ay sheegeen in uu lahaa Gudoomiyaha ay dileen.
Idale News Online, Muqdisho.