Ciidamada Ciraaq oo rajeynaya in todobaad gudahood ku qabsadaan magaalada Tikrit

0
207

Tikit(INO)-Dagaalo ba’an oo u dhaxeeya Ciidamada Ciraaq oo ay wehliyaan Maleeshiyooyin Shiico ah iyo Xoogaga Daacish ayaa wali ka socda magaalada Tikrit, iyadoo dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado.

Sarkaal u hadlay Xoogaga Shiicada ayaa sheegay inay rajo aad u weyn ka qabaan inay muddo todobaad gudahood ku qabsadaan magaalada Tikrit, iyadoo xoogaga Daacish ay magaalada gacanta ku hayaan 70%.

Dadkii deegaanka ayaa isaga barakacay magaalada, waxaana ku sugan dad fara ku tiris ah oo gabaadsanaya dhismayaasha, hase yeeshee waa adag tahay in la ogaado khasaaraha uu sababay dagaalkan.

Ciidamada Ciraaq iyo xulafadooda ayaa iska caabin adag kala kulmaya Xoogaga Daacish, waxaana caqabadaha ugu badan ee ay la kulmayaan ay yihiin miinooyin jidadka la geliyay oo hakinayay horu-usocdkooda.

Meelo muhiim ah oo ka mid ah xaruntii ciidamada iyo Isbitaalka magaalada Tikrit ayay ciidamada ilaa iyo hada qabsadaan, waxaana wali ay la kulmayaan dagaalo ay jidadka ku dhex marayaan Xoogaga Daacish.

Magaalada Tikrit oo ah magaalo ay Suniyiinta ku badan yihiin ayaa ah halkii uu ku dhashay Madaxweyinihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, waxaana hadii ay qabsadaan ka dhigan tahay inay dharbaaxo dhinaca maskaxda iyo istiraatiijiyada oo soo gaarta Daacish.

Idale News Online, Tkrit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here