Muqdisho(INO)-Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay rasaas ku furay gaari noociisa uu yahay mid yar oo ay wateen dad aan la aqoon waxa ay yihiin, balse dadka ay ku sheegeen inay ahaayeen shacab, xilli baabuurkaan uu maraayay Xaafada Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid.
Rasaasta ciidamada ay ku fureen gaariga ayaa waxaa ku geeriyooday darawalkii waday baabuurkaasi, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay labo ruux oo kale oo baabuurka la saarneyd.
Baabuurkaan ayaa ciidamada ay la dhaceen, rasaasta kolkii sida dadka deegaanka ay sheegeen in laga shakiyay baabuurkaasi, xilli ciidamada ay ku guda jireen feejignaan dhanka ammaanka ah.
Ciidamada ayaa markii ay baabuurkaasi rasaasta ku fureen, kadib waxa ay wateen mid ka mid ahaa dadkii dhaawaca ahaa sidoo kalena waxa ay meesha ka qabteen labo ruux oo meesha ka agdhawaa.
Ciidamada Dowladda ayaa raggaasi ay qabteen waxa ay u kaxeeyeen goobaha baarista ee ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo lagu baaraayo raggaasi, inkastoo ilaa hada aysan cadeyn waxa ay yihiin.
Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta feejigaan dhanka ammaanka ah, maadaama si weyn looga shakiyo gaadiidka yar yar ee Magaalada Muqdisho dhexmaraayo.
Habeenkii Khamiista ay soo galeysay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax baabuur, kaasi oo ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.