Mandheera(INO)-Xili Shalay Kolonyo Gaadiid ah oo uu la Socday Gudoomiyaha Mandheera Ee dalka Kenya ayaa waxaa Halkaasi saakay howlgallo ka wadda Ciidamada dalka kenya oo halkaasi lagu soo daadiyay
Ciidamada dalka kenya oo iskugu jira boolis milatari iyo ciidamada gaarka ah ayaa waxaa ay baarayaan dhamaan deeganada ku xeeraan halka shalay lagu weeraray gudoomiyaha magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya kaasi oo ay soo gaartay qasaaro Askartii la socotay
Dadka Deegaanada Saakay Ciidamada Kenya ay Howlgallka ka Wadaan ayaa waxaa ay inoo sheegeen in ay saameyn Xoogan ku yeelatay baaritanakaani maadaama ayna Ciidamada kenya Kala sooceynin dadka oo ay u Qabanayaan Qaad Farmuuq ah
Mid ka mid ah Dadka deegaanka Magaalada Mandheera oo howgalka xoogiisu uu ka socdo ayaa ii sheegay in ay ciidamadu guryaha markii ay soo galaan ay dil iyo caga jugleyn kusoo galayaan taasi oo qal qal ku abuureyso qofka markaasi guriga ku sugan
Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay wajahayaan Weeraro uga Imaanaya shababka ka Dagaalama Dalalka geeska afrika.
Idale News Online, Mandhera.