Gudoomiyaha Degmada Berdaale Oo Dalbadey In Xabsiga Magaalada Doolow Laga Sii Daayo Tiro Dad ah

0
255

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Degmada Berdaale Ee Gobolka Bay Maxamed Isaaq caracase oo shir jaraa”id ku qabtey Magaalada Baydhabo Janaay  ee xarunta Gobolka ayuu kaga hadley dad uu sheegey in ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa  baaq u direy mas’uuliyiinta  maamulka Gobolka Gedo, iyo weliba saarkiisha ciidanka dowlada soomaaliya ee Gedo in arintaasi  ay dib  u eegis ku sameeyaan.

Maxamed Isaaq caracae ayaa  tilmaamey in dadkaasi loo xiray tuhun ku aadan in  ay xariir lala yihiin dagaalamiyaashaa Kooxda Al-shabab kuwaaso weli ku xiran xabsiga degmada Doolow.

Gudoomiyaha Degmada Berdaaale ee gobolka Bay, ayaa ka dalbadey, waxgaradka iyo masuliyiinta dambi baarista xabsiga doolow in ay si deg deg u sii daayaan dadkaasi uu sheegeen in aaney wax  xariir ah la lahayn kooxda mayalka adag ee Al-shaabab oo dagaal adag kula jirto dowlada soomaaliya iyo ciidamda Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee soomaaiya.

Dad fara badan ayaa xabsiyada Gobolada iyo  degmooyinka  dalka soomaaliya ku jira kuwaasoo ka soo jeeda degaanada Gobolada koonfur Galbeed soomaaliya isla maarkaana lagu eedayo ama  lagu  tuhmo in ay xariir la leeyihiin kooxda Al-shabaab walow cidna aan eegin dambiyada lagu eedayo.

Ugu dambeyntii, Hadalkan ka soo yeerey Gudoomiyaha Gobolka degmada Berdaale Ee Gobolka Bay,Maxamed Isxaaq, caracase, ayaa imaanaya xiili degmada Doolow ee gobolka Gedo laga dareemayo  mashquul ku aadan xulista baarlamanka Jubba, isla markaana amaanka degmadaasi aad loo adkeeyey , sidoo kalena ay adag tahay in ay dhageystaan warka ka soo yeereey  Gudoomiyaha degmada Berdaale ee Gobolka Bay.

 Cali Ilyaas Cabdillaahi, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here