Daawo:Gabar Soomaali ah oo farsamo yaab leh ku sameysay Mobile

0
201

Hargeysa(INO)-Gabar lagu magacaabo Ayaan Mowliid Ibrahim oo degan magaalada Berbera kana qeybgaleysay tartanka bandhig hibeedka Somaliland oo laga sii daayo Telefshinka Somaliland ayaa waxay kaga qeybgashay farsamo cajiib ah oo ka turjumeysa halista Teleefanada gacanta.

Gabadhan oo baratay electroniga ayaa waxay soo bandhigtay in dhicida taleefanada ee gariirka la saaro in ay ku kariso ama ku dubto xabad daango ah.

Arintan oo dad badan ay la yaabeen kuna soo baraarugeen halista uu leeyahay taleefanka gacanta ayaa waxay sheegtay gabadhan in dad badan ay caadeysteen in jeebka ku qaataan taleefanada kadibna gariir saarta, taasoo ka dhalan karta halis badan.

Idale News Online,Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here