Xildhibaan xog xasaasi ah ka faafiyey DF SOMALIA oo maxkamad wajahaya

0
218

Muqdisho(INO)-Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa dacwad xasaasiya u gudbisay Gudigga anshaxa Baarlamaanka Somalia.

Dacwadda ayaa lagu soo oogay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Cabdi Barre.

Xildhibaan Cabdi Barre waxaa lagu eedeeyay inuu warbixin been abuur ah u diray Gudigga dabagalka Qaramadda Midoobe ee arrimaha Somalia ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEMG.

Warbixinta ayuu Xildhibaan Cabdi Barre ku sheegay inuu Baasaboorka Somalia yahay mid been abuur ah sidaas darteedna aan lagu bixin karin Visaha.

Xogta uu bixiyay Xildhibaan Barre waxaa ugu xasaasin in Baasaboorka Somalia ee diblomaasiga ay wataan Burcad badeed iyo argagixiso taas oo sababtay in Caalamka diidaan.

UN Monotering Group ayaa warbixinta Xildhibaan Cabdi Barre kadib beesha Caalamka u sheegay inuusan Baasaboorka Somalia aheyn mid sax ah.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia waxa ay gudigga anshax marinta Baarlamaanka weydiisteen in xasaanadda laga qaado Cabdi Barre si loo Maxkamadeeyo.

Guddigga anshaxa Baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in dacwada Xildhibaan Cabdi Barre oo haysta dhalashada Mareykanka loo gudbiyay 10 March 2015.

Si kastaba ha ahaatee, Gudigga anshaxa Baarlamaanka waxay sheegeen in dacwadda Cabdi Barre ay baarlamaanka horgeyn doonaan marka uu dib isugu soo laabto.

Idale News Online,Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here