Sarkaaal ka tirsan nabad-sugidda oo la qabtay isagoo fal yaab leh ku guda jira

0
199

Muqdisho(INO)-Farxaan Faarax Maxamed (Farxaan Qoroole) oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxaa maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Farxaan Faarax Maxamed oo ah Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Hawlgalada Gobolka Banaadir, ayaa laga qabtay albaabka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho, xilli uu gaari watay, doonaayayna in uu gudaha u galo.

Ciidanka Booliska ee fariisimaha ku leh afaafka hore ee Dekeda oo baaritaan ku sameeyay gaarigii uu watay, ayaa waxay qaybta dambe ka helayn dhowr xabo oo qoriga baasukaha ah, taasoo shaki dhalisay, iyadoona loo baahday in la xiro.

Farxaan Qoroole waxaa lagu xiray Xabsiga Godka Jilicow ee Degmada Boondheere, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo, shakiga loo soo xiray.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in ninkaasi looga shaki qabo inuu fududeynayay, weerar ay Shabaabku ka geystaan Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare, uu xil ka qaadis ku sameeyay Farxaan Qoroole, isla-markaana uu ku soo bedelay nin kaloo magaciisa lagu sheegay Cali Jiis. Cali Jiis waxa uu ku heyb yahay Madaxweynaha Somaiya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here