Muqdisho(INO)-Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Caasho Geelle oo waraysi gaar ah siisey idaacadda Goobjoog ayaa sheegtey in hawshii gudiga qeybtii koowaad ay dhamaatay, hadana loo galayo qeybtii labaad.
“Arrinta dastuurka waad ogtahay dib u eegis baa lagu samaynayaa, dib u eegista lagu samaynayana ma ahan mid sahlan, waa mid u baahan sidii bulshada Soomaaliyeed looga dhaadhicin lahaa, Qorshe ayuuna u baahanyahay” ayay tiri Caasho oo intaasi ku dartay “Intii uu gudiga jireyna waxaa laga shaqeynayay sidii arrimahaasi loo fariisiin lahaa, laakiin isbadalka dhacay saameyn badan ayuu ku yeeshey shaqada gudiga, sida khilaafkii dhacay iyo wasaaradihii la kala badalay”.
Waxa ay sheegtey in wajiga koowaad ee hawsha ay ahayd sidii look ala shaandheyn lahaa ciladaha uu leeyahay dastuurka qabyo qoraalka ah, ayna usoo baxday labo ciladood kala ah mid Farsamo iyo mid go’aan siyaasi in laga qaato u baahan.
“Qaladaadka dastuurka ku jira waa labo, mid waa Farsamo, waana 85% dastuurka inta u baahan cilad bixinta farsamo, waana la saxayaa waana qodobada ugu badan, qeybna waa 15% boqolkiiba waa go’aan siyaasi ah, taasi oo micnaheedu yahay arrin naga baxsan, balse aan fududeynayo, sida qeybsiga kheyraadka dalka” ayay Tiri Caasho oo sheegtey in arrimaha ku saabsan xilka Ra’isulwasaaraha, xuduudaha, kheyraadka iyo caasimadda ay yihiin kuwa loo baahanyahay in go’aan siyaasi ah laga gaaro.
Arrimaha farsamada ah ayay ku sheegtey in ay yihiin qodobo iska hor imanaya, weedho qaldan iyo kalmado is burinaya, kuwaasi oo farsamo ahaan loo saxayo.
Mar ay ka hadlaysey caqabadaha hor istaagi kara shaqada gudiga ayay sheegtey in uu yahay dhaqaale, kaasina ay tahay in ay dowladda bixiso oo aanan laga raadin beesha caalamka “Dhaqaale ayaa jira, dhaqaalahana anaga lafteena ma rabno in dawarsi kaliya uu noqdo, oo hey’ad kaliya oo iyada lafteeda xanibaadaheena iyo shuruudaheeda badanyahay iyo shidadeeda uu dastuurka ku xirmo, waxaa loo baahanyahay in dowladda ay dhaqaalaheeda galiso, in lahaanshiyaha ay yeelato, in aysan noqon in inta mashruuc la qoro, mashruucaasi lacag loo raadiyo, kaasina uu waqti qaato”.
Caasho Geelle ayaa dhanka kale waxa ay sheegtey in wadashaqayn laga rabo gudiga dastuurka ee baarlamaanka iyo wasaaradda arrimaha federaalka iyo dastuurka qaabilsan, sidaasina hawsha ku fududaan karto.