DEG DEG: Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo oo la weeraray

0
199

Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas xooggan laga maqlayo xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Weriyaha Idale News Online ee magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee maamulka.

Weriyaha ayaa xusay in goobta ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.

Lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here