Ciidamada Dowladda oo hal qof ku dilay, laba kalana ku dhaawacay Degmada Buurhakaba

0
233

Buurhakaba(INO)Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa waxay maanta ku dileen hal qof, iyadoo laba kalana ay ku dhaawaceen.

Dadkaan, ayaa la socday gaari caasi ahaa oo ka yimid Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho. Ninka dhintay ayaa ahaa wadihii gaariga, iyadoo labada kalana ay middi haweeney tahay.

Darawalkii gaariga, ayaa wadooyin qardo jeex ah soo maray, iyadoo uu ka cararaayay askarta Dowladda ee jidgooyadu u taalo inta u dhaxeyso Buurhakaba iyo Baydhabo. Laakiin taasi waxay keentay in askartu ka shakiyaan, rasaas xoogana huwiyaan.

Nuur Xasan oo ka tirsan Maamulka Degmada Buurhakaba, ayaa sheegay in dilka iyo dhaawaca dadkaasi uu u dhacay si kama’ ah, gaariga oo ka soo baxay goob aan laga fileynin, sida uu yiri.

Nuur Xasan, ayaa ku waramaya in Ciidanka Dowladda ay gaarigaasi kaga shakiyeen inay la socdeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, waana taa buu yiri in rasaas loo adeegsado.

Nuur waxa uu qiray inaan la xirin askartii dhibaatada geysatay, maadaama ay askartu ku jirtay sida uu sheegay feejignaan, falkaasina uu u dhacay si aan ku talo gal ahayn.

Gaadiidleyda ka hawlgasha wadada dhirirsan ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, ayaa si weyn kaga cabanaya jidgooyooyin fara badan, oo u yaala Ciidanka Dowladda Somaliya.

Idale News Online, Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here