Goofgaduud (INO) –– Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud, ee Duleedka Magaalada Baydhobo Axmed Maxa’ed (Axmed Jadiid), ayaa sheegay in Dagaal uu ka dhacay Deegaanka kadib markii Al shabaab ay soo weerareen.
Gudoomiye Jadiid, ayaa xusay in Dagaalka Goofgaduud uu ahaa mid xoogan oo la isu adeegsaday hubka Culus iyo midka Fudud, islamarkaana laga Maqlayay goobo ka fog fog halka Dagaalka uu ka dhacay.
“Qiyaastii 80 Qof oo isku soo dhex-qariyay Xoolo (Lo’) ayaa si kedis ah usoo weeraray Xarumaha Militariga DFS ee Deegaanka Goofgaduud saqdii dhexe, waxaana dhacay Dagaal qaatay mudo 10 Daqiiqo ah oo Khasaaro dhaliyay,” ayuu yiri Axmed Jadiid.
Wuxuu sheegay in kuwa oo weeraray ay ka yimaadeen dhanka Wadada Berdaale iyo Awdiinle oo si fiican u kala aqoonin Deegaanka, sidaasi darteedna waxay kala kulmeen ayuu yiri Ciidanka Dowladda Guul darro iyo Jab xoogan.
Deegaanka Goofgaduud wuxuu qiyaastii 30 KM Koonfur galbeed kaga began Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay, waxaana inta badan ka dhaca Dagaallo Gaadmo ah oo Al shabaab kusoo qaadaan.
Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud Axmed Jadiid, ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalka aanu jirin wax Khasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada dowlada, balse ay jiraan Khasaaro dhanka Al shabaab gaaray.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo