Daawo:Gollaha Wasiirada KGS Oo Ka Doodey Xaaladaha Bini’aadanimo Ee Ka Jira Degmooyinka Buurhakaba iyo Leego

0
236

Baydhabo(INO)Kulan ay yeesheen Gollaha wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa looga hadley arimo dhow ah oo ka jira Degaano iyo ka degmooyinka ka tirsan Gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulunka oo uu shir Gudoominayey madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh, ayaa waxa halkaasi, warbixin looga dhageystey,  wasiiro ka tirsan KGS oo dhawaan booqadey degmada Buur hakaba iyo deegaanka leego ee gobolka Shabellaha Hoose, waxana ay sheegeen in halkaasi ay ka jirto xaalado bini’aadanimo oo adag, isla markaana dadka degaanadaasi ay ku adag tahay in ay helaan Biyaha.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Dowlada koonfur galbeed soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi ayaa ka warbixin, qodobadii looga hadley shirkii gollaha wasiirada iyo natiijooyinkii laga gaarey” kulunka gollaha wasiirada KGS oo uu  shir Gudoominayey madaxweyne shariif xasan, waxa la isla soo qaadey qadobo dhor ah, Sida Xeer hoosaadkii maalin dhaweyd la isla soo qaadey loo dadajin lahaa, sidoo kale gollaha wasiiradda waxay ka hadleen arimo bini’aadanimo laga soo sheegey Deegmooyin ka tirsan KGS, iyo sii ciidamada KGS Loo howlgalin lahaa”.

Dhan kale, wasiirka warfaafinta Iyo WacyigalintaEe Dowlada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa  la weydiyey sida lagu gaarsin karo gargaarada ee degaanada qaarkood waxana uu ku jawaabey ”  guud ahaan degmooyinka Gobolka Bay oo ka tirsan KGS waa xur marka laga reebo degmada Diinsoor , Degmooyinkaasi waxa joogo masuuliyiin iyo ciidamo hoostago Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, marka waxaan isku dayeynaa in aan gaarsiino gargaar meelaha Dhibaatada aKa taagan “

Ugu dambeyntii, halkan ayaa imaanayo xilli degmadaBuurhakaba iyo degaano kale laga soo sheegayo in ay ka taagan tahay xaalado, bini’aadanimo, ka dib markii ay gureen ciilashii iyo warihii biyaha laga cabaayey.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Onine, Xafiiska Baydhabo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here