Dhageyso: Dowlada KGS Soomaaliya Oo Sugdey Amaanka Wada Xariirisa Muqdisho Iyo Baydhabo

0
187

Baydhaabo(INO)-Waxaa soo hagaagaya amaanka wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne, ka dib amni darri muddo badan halkaasi ka jirtay.

Gaadiidka ayaa lagu soo waramayaa in hadda wadadaasi ay si nabad galyo ah u isticmaalayaan, iyadoo meelo badan oo Isbaaro taallay ay qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Ee Dowlada  Koonfure Galbeed ee Soomaaliya ayaa mar socdaal ay ku tageen deegaano ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in hadda amniga uu yahay mid la xaqiijiyay, lana qabtay rag hubeysan oo dadka dhibaato ku hayay.

Darawalada gaadiidka ayaa sheegaya in meesha ay ka baxday lacago dheeraad ah oo looga qaadi jiray halkaasi iyo sidoo kale jirdillo ay dadkaasi la kulmi jireen.

Waxaa horay u jirtay rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda oo dhac u geysan jiray shacabka safarka ku ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba, hase ahaatee amniga hadda uu yahay mid la sugay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here