Daawo: Kulan Lagu Taagyeerayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Garsoorka Ee KG Soomaaliya Oo Ka Lagu Qabtey Muqdisho

0
222

Muqdisho(INO)-Iyadoo dhowaan loo magacaabay Wasiiru dowlaha wasaarada garsoorka Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya ee sadexda gobol Bay, Bakool & Shabellaha Hoose, Mudane Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Sheekh Fanax) ayaa qaar ka mid ah dhalinyarada Beesha Hubeer ee Gobolka Banaadir waxa ay Hambalyo & bogaadin ugu tageen Gurigiisa uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo si wayn usoo dhoweeyay Dhalinyarada kuna faraxsanaa sida qiimaha leh ay dhalinyarada ugu yimaaden islamarkaana ugu hambalyeeyeen ayaa waxa uu ugu baaqay in dhalin yarada mar walba ay isku xiornaadaan.

Kulanka oo jawi degan oo farxad leh ku bilowday ayaa waxa Hadalkii furay Dr Maxamed C/rashiid Kuulow oo ahaa Qaban qaabiyaha Kulanka ayaa si wayn ugu hambalyeeyay waxa uuna u sheegay wasiirka in dhalinyarada Beesha ay si kal & lab ah uso dhoweynayaan ayna ku faraxsan yihiin xilkiisa.

Shirkan hambalyada ah oo dhamaan Dhalinyarada mid mid ay ugu hadleen iyagoo soo koo koon-bayay waqtiga oo yaraa awgiisa ayaa waxaa laga soo saaray baaq si wadajir ah la isugu raacay kaasoo ahaa in Wasiirka gacan wayn la siiyo maadaama xil adag loo dhiibay islamarkaana Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed haatan dhaqaalo buuran haysan waxaana hoosta laga xariiqay in Wasiirkeena uu la mid noqdo wasiirada kale oo gaari u qaas ah loo sameeyo taasoo ay dhalinyarada Dusha ay saarteen.

Gabagabadii shirkan ayaa la magacaabay gudi jawaab deg deg ah ka keena arinta loo xilsaaray ee dhaqaallo aruurunta ah si wasiirka gaarigiisa meel loo saaro.

Ugu dambeyntii Bulshada Beesha Hubeer waxaa loogu baaqay in ay ka qayb qaataan arintan muhiim ka ah..

1- C/waaxid Xuseen Xasan, Ex Gudoomiyihii hore Dhalinyarada B/Hubeer
2- Sallaad Maxamed Daahir Dhiiro galiyaha Dhalinyarada B/Hubeer
3- Dr Maxamed C/rashiid Kuusow, Xubin ka mid ah Dhalinyarada B/Hubeer
4- Ibraahim Maxamed Cabdi (Xubin)
5- C/raxmaan Maxamed Nuur, Gudoomiye ku xigeenka Dhalinyarada B/Hubeer.
6- Asad Abukar Cali, Xiriiriyaha Dhalinyarada B/Hubeer.
7- Cali Aadan Weetoow, XUBIN
8- Ibraahim Macalim C/Kariim, xubin
9- Ibraahim Sheekh Axmed Gaambi, xubin
10- C/naasir Maxamed C/raxiin, Xubin
11- Maxamed Xasan Axmed, Xubin
12- Maxamed Abukar Axmed, Xubin
13- C/raxmaan Maxamed Cumar, Xubin
14- Yuusuf Maxamed Ibraahim, Xubin
15- Maxamuud Maxamed C/Casiis, Xubin

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here