Guracel(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ee ku sugan Magaaladaasi uu isku soo dhiibay sargaal katirsanaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Madaxa amniga Galguduud Mahad Khaliif Rooble, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sargaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab kadib xariiro uu lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Dowlada.
Sargaalka la sheegay in uu isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa lagu Magacabaa Cabdullaahi Axmed Muxumed , Ninkan ayaa tilmaamay in uu ahaa Xubin sare oo katirsan Al-Shabaab uuna u qaabilsanaa Kooxda Dhinaca Miinooyinka.
Sargaalkan Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sheegay in Tabar dhinaca Miinooyinka ah loogu qaaday Dalka Yaman markii uu Soomaaliya kusoo laabtayna uu ka howlgalay Magaalooyin badan oo dalka kamid ah Sida Muqdisho ,Baydhabo iyo Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud halkasa uu ku aasay miinooyin badan.
Dowlada Soomaaliya aya ahorey u balan qaaday in ay soo dhaweneyso saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab katirsan ee kasoo baxa kooxdaasi kana tanaasula howlihii ay ku jireen, waxaana Dowlada siyaabo kala duwan Mudooyinkii dambe isugu soo dhiibay xubno sare oo katirsanaa Al-Shabaab uu ku jiro Madaxii hore ee Sirdoonka Kooxdaasi.
Idale News Online, Guracel.