Beledweyne (INO) – Wararka ka Imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Halkaas Xalay lagu Dilay Nabad doon Caan ah, waxaana la shaaciyey in Kooxdii Dishay ay Baxsadeen.
Dilka Nabad doonka ayaa ka dhacay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne, Axmed Adan Siyaar waxaa uu ka mid ahaa dad Magaalada Odayaasha Dhaqanka ka ah, wuxuuna dhintay ka gadaal markii la Weeraray, Rasaasna ay ku fureen Koox seddax qofood ka koobneyd.
Saakay ayaa sidoo kale la sheegay in la Arkay Meydka Wiil dhallinyaro ah oo ay horay usii Kaxeysteen Kooxda Nabad doonkaas Dilkiisa Geysatay.
Dilalka Nabad doonada iyo dadka Bulshada Muhiimka u ah ayaa Muddooyinkii Dambe lagu Beegsanayey Magaalada Beledweyne.
Idale News Online – Baledweyn