Turkiga oo joojiyay Mashaariicdii Horumarineed ee uu kawaday Muqdisho

0
226

Muqdisho (INO) — Mas’uul kamid ah Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay joojisay Guud ahaan Mashaariicdii dhanka Nadaafadda ee ay kawaday Magaalada Muqdisho.

Teaser Image Turkiga oo joojiyay Mashaariicdii Horumarineed ee uu kawaday Muqdisho

Cabdicasiis Goodax Barre oo ah Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir, ayaa sheegey in haatan Shaqadii Nadaafadda Turkiga wadeen, kadiba ay iyaga ka maamul ahaan la wareegeen.

“Markaan u tagnay, oo la xariirnay Hay’adda TIKA waxay Mas’uuliyiinteeda noo sheegeen inay joojiteen Howlihii Nadaafadda ee ka socotay Muqdisho, waxayna sidoo kale noo sheegeen inay nagu soo wareejin doonaan 100 Baabuurta Qashinka qaada ah si aan annaga shaqada u qabano,” ayuu yiri Cabdicasiis.

Sababta Turkiga u joojiyay ma uusan sheegin balse wuxuu tilmaamay inuu u maleynayo inay tahay in Xilliga Xisaab xirka la joogo, oo ay gudbinayaa qarashkii ku baxay Mashruuca Nafaadadda Sanadkii tagay 2014.

Turkiga ayaa horey u balan qaaday inuu samaynayo Mashruuc lagau mataanaynayo Muqdisho iyo Istanbul, waxaana arrimahaasi kamid ah inay dib usoo celiyaan Bilicda Caasimadda iyo inay dib u dhisaan Wadooyinka & xaruumaha Maamulka.

Idale News  Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here