Dhageyso:Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagey Baydhabo + Daawo Sawirada

0
232

Baydhabo(INO)-Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobalada Baay iyo Bakool ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Baay iyo Bakool.

Xildhibaanadan ayaa ujeedada ay utageen magaalada Baydhabo, waxa ay ku sheegeen in ay latashiyo la sameeyaan duqowda dhaqanka ee gobalada iyo Maamulka, ayna kala hadli doonaan arrimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Soo dhaweynta Xildhibaanadan loo sameeyey ayaa lagu soo bandhigay in ay baahiyo badan ka jiraan gobalada Baay iyo Bakool, gaar ahaana arrimaha khuseeya nabadgalyada iyo dhismaha dawladnimada, iyadoo xooga la saarayo arrimaha khuseeya dhismaha dawladnimada.

Halkan Ka Dhageyso.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here