Daawo: Ardeyda Jaamacadda Upper Jubba Ee Baydhabo Oo Maanta Pratical Ku Sameeyey Beer Ay Leedahay Jaamacadaasi

0
225

Baydhabo(INO)-Ardayda Jaamacada Upper Jubba E  ayaa Maanta waxay safar ugu Baxaeen Banaan Magaalada Baydhabo Meel u jirta 7KM , Goobtaasi oo ay kuleeyahiin Beer loogu tala galey in ay Ardayda Jaamacada Upper Jubba kuliyadeeda Beeraha iyo Xoolaha ay ku Qaataan Casharo Muhiim u ah Ardayda (Si Practical ah ).

Waxaana  Casharo ku bixinaayey Macalamiinta Jaamacada Sida Prof. Cabdukadir Nur Abu , Zubeer Ma’alin Cabdi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Aptia  , Iyadoo ay ka qaybqaateen Masuuliyiinta Maamulka Jaamacada Sida Sheik Aadan Xuseen Abdiraxmaan iyo Madkariin .

Ardayda ayaa waxaa Casharo Muhiim ah siiyey Prof. Idriss Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Masuuliyiinta Jaamacada , Casharada uu siiyey waxaa kamid ahaa Barashada Geedaha iyo sida loo sameeyo Bacrimin ama Nafaqada Beerta ay u baahantahay isagoo soo bandhigey Qalabka lagu isticmaalo Barashada Beer diyaarinta iyo sidii loogu hortagi lahaa Cayayaanka Beerta waxyeeleeyo iyo sidii jirooyinka Loogu Hortagi lahaa.
Sidoo kale Waxaa Geba gebadii ka hadley Prof Abu iyo Hormuudka jaamacada Sheekh Adan Sheekh Xuseen , isagoo amaaney Macalimiinta iyo ardaydaba isagoo ku booriyey inay is Ixtiraamaan ayna ilaaliyaan Waqtiyada Waxbarashada Socato.
Ugu Dambeyntii Jaamcadda Upper  Jubba Waxay ka Mid tahay jaamcadaha Dhawaan Laga Hergliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, isla markaana waxay Xooga Saarta Barashada kuliyadaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
SWIR3SWIR1SAWIR2SWWIR4SWAIR5SWIR6SWIR7
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here