Waxaa maalmihii u danbeeyey soo baxayey warar sheegaya in Dr.Saadiq Eenow uu ka mid noqon doono dadka ku loolami doona madaxtinimada Puntland.
Qorshaha Dr.Saadiq Eenow ayaa lagu sheegay in uu ka beddalanyahay qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiinta damacu kaga jirey madaxtinimada Puntland.
War rasmi ah oo laga helayo ilo ku dhaw Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegaya in Urur ama Xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin aqoonyahan badan, iyo waxgarad kale ay ku dhawaaqayaan, kaas oo hormuud uu ka noqon doono Dr.Saadiq Eenow. Golaha ama Xisbiga ay ku dhawaaqayaan ayaa noqon doona mid siyaasadeed, waxna ka beddali doono siyaasadda Puntland, maadaama ay isugu tageen inta badan aqoonyahanka, ganacsatada, waxgaradka iyo ururada dhalinyaradu.
Warka ayaa intaa ku daraya in Dr.Sadiq Eenow dhawaan tegi doono deegaanada Puntland isla markaana uu ka qaybgeli doono ku dhawaaqida Ururka ama Xisbiga Dr.Saadiq Eenow hormuudka ka noqon doono.
Dr.Saadiq Eenow waa aqoonyahan reer Puntland ah, waxaa magaciisa la dhahaa Dr.Axmed Maxamed Axmed Shirwac, waxaase uu caan ku yahay Dr.Saadiq Eenow. Markii uu waxbarashada uu dhamasytey waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ku biirtey ciidankii milteriga, kadib markii Kacaanku bilaabey beegsiga dadkii ka soo jeedey Waqooyi Bari waxa uu isaga baxay dalka Soomaaliya, waxaana uu waxbarasho ka bilaabey dalka Ruushka, waxaana uu halkaas ku oo bartey Cilimiga dhakhtarnimada.
Dr.Saadiq Eenow ayaa ah nin qoraa ah isla markaana mu’arrikh ah (taariikhyahan), sidoo kale waxaa lagu tilmaama in uu yahay Faylasuuf aqoon fiican u leh diinta islaamka ahna muxaadir aan dhegaysigiisa laga caajisin. Dr.Eenow ayaa sidoo kale bartey cilmiga dhaqaalaha. Muddooyinkii danbe waxaa marar badan la soo shaqeeyey hay’adaha caafimaadka ee Puntland gaar’ahaan Gobolka bari.
Si kastaba ha ahaatee ku soo biirada Dr.Saadiq Eenow ee siyaasadda Puntland ayaa firfricooni siineysa da’yarta iyo dhalinyarada reer Puntland oo muddo dheer ay hor-boodayeen odoyaal xanaano u baahan, halkii ay dalka u talin lahaayeen.
Idale News Bosaaso.