Riqa(INO)-Kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamada Ciraaq,Suuriya,Liibiya iyo Masar ayaa gacanta jartay nin ay ku eedeeyeen inuu wax xaday. Kooxdan ayaa muqaal Video ah oo ay baahiyeen iyo sawiro ku muujiyey wiilkaasi dhalinyaradda ah oo ay meel fagaare ah ku jarayaan gacanta.
Kooxdan ayaa ahayd kooxda ka hawl gasha magaalada Raqa ee wadanka Suuriya ,iyada oo maxkamad ay lee dahay kooxdani ay ninkan ku xukuntay in gacanta laga jaro oo xadka lagu oogo.
Goobtaasi ayaa ahayd goob ay buux dhaafiyeen dad aad u tiro badan ,waxa kale oo joogay kooxo ciidamo ah oo halkaasi ilaalilo ka hayey ,sidoo kalena waxa ku sugnaa halkaasi saraakil sarsare oo ka tirsan xoogaga Daacish.
Idale News Online, Riqa.