Daawo: Gaas Oo Kismaayo Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba Iyo Odayaal Dhaqameed

0
203

Kismayo(INO)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa habeenkii Labaad oo xalay ahayd waxa uu ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, halkaasi oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay ka dib casumaad uu ka helay madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe.


Wafdi Madaxweyne Gaas uu hogaaminayo ee ka yimid magaalada Garoowe ayaa xalay waxa ay magaalada Kismaayo kulamo gaar gaar ah kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka Jubba iyo sidoo kale Odayaasha dhaqanka ah ee ku sugan magaaladaasi.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka caawin doono maamulka Jubba la dagaalanka Al-shabaab iyo dib u qabashada deegaanada gacanta maamulkaasi ka maqan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyay in maamulkiisa uu mar walba taageero dhan walba leh uu siin doono maamulka Jubba oo ka mid ah maamulada cusub ee dhawaan dalka laga hirgeliyay.

Shalay ayaa dekadda Kismaayo iyo meelo kale oo muhiim ah, waxaa la geeyay wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas, isaga oo ku amaanay maamulka Jubba dar dar gelinta shaqooyinka iyo mashaariicda ka socda magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ee Jubba iyo maamulka Puntland, waxaa xilligaan ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana taasi ay keentay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu casumaad u fidiyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Idale News Online, Kismayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here