Toronto(INO)- Dowladda wadanka Canada ayaa Soomaalida ku nool dalkeeda kala hadashay sidii la iskaga kaashan lahaa ka hortagga weeraro ay Al-shabaab ka fuliyaan gudaha wadanka Canada.
Taliye ku-xigeenka Booliska dalka Canada Brian Simpson ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada wuxuuna kala hadlay sidii Soomaalida Canada ku dhaqan ay ula shaqayn lahayd ciidanka booliska dalkaas si ay uga hortagaan weeraro ay suurtagal tahay iney Al-shabaab ka fuliyaan goobaha muhimka ah ee dalka Canada.
Brian Simpson ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed ee dalka Canada iney kaalin weyn ka qaataan sidii looga gaashaaman lahaa falal argagixiso oo gudaha Canada ay ka fuliso kooxda Al-shabaab oo dhawaan soo saartay hanjabaad ay ku sheegtay iney ku weerarayso xarunta ganacsi ee ugu weyn dalka Canada ee Edmonton Mall.
Tan iyo wixii ka danbeeyey hanjabaadda Al-shabaab ee la xiriirta iney weerarayso xarunta ganacsiga ee Edmonton Mall dowladda Canada ayaa sare u qaaday sugidda amniga dalkeeda,ciidan badan ayaa la geeyey xarunta ganacsi si loo xaqiijiyo amnigeeda.
Idale News Online, Toronto, Canada.