Hargeysa(INO)-Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay magaalada ISTANBUL ayaa sheegay in ay is afgaran waayeen ayaga iyo wafdiga dawladda Soomaaliya usoo dirsatay wada xaajoodyada labada dhinac.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in ay dhankooda diideen in ay hor fariistaan dhinacyo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo katirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay doonayeen in ay hor fariistaan xubno ka soo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Xirsi oo la aamisan yahay in uu shaqsiga aadka iskugu dhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in aysan la fariisan doonan dawladda Soomaaliya, hadii aysan badalin xubnaha ay hada usoo dirsatay wada hadalada magaalada ISTANBUL, isagoo ku eedeeyey dawladdu in aysan daacad ka aheyn wada xaajoodyada.
Idale News Online, Hargeysa.