Dhageyso:Shirka Indhoolayaasha Jaamacadda Carabta oo ka furmay dalka Qadar

0
272

Doha(INO)-Shirka Indhoolayaasha wadamada Carbeed ayaa ka furmay magaalada Dooxa aa caasimadda dalka Qadar waxaana shirka ka qaybgalaya ururada Indhoolayaasha ee ka jira wadamada Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

indhoolayaal

Bashiir Maxamed Jimcaale oo uga qaybgalaya magaca Soomaaliya kana socda ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ayaa ka waramaya shirka iyo ajandayaasha diirada lagu saarayo,wuxuuna sheegay in shirka looga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha iyo waxbarshada dadka aragga la’.

Halkan Ka Dhgeyso.

Bashiir Maxamed ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay indhoolayaashu kala kulmaan bulshooyinka ay la nool yihiin iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heerkooda tacliin iyo helida fursadaha shaqo,wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale lasoo qaaday guurka Gabdhaha indhoolayaasha ah.

Shirka ayuu sheegay inuu soconayo muddo saddex cisho ah sida la qorsheeyey,Bashiir Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in Indhoolayaasha ku nool wadamada kale ee Jaamacadda Carabta ay helaan tasiilaadka ay u baahan yihiin,wuxuuna ka dhawaajiyey in Indhoolayaasha Soomaaliyeed aysan haysan waxbarasho iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Wuxuuna arintaasi u sababeeyey burburka dalku uu ku jiray 24kii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna tilmaamay iney ku rajo weyn yihiin in wax badan ay iska bedeli doonaan duruufaha adag ee haysta Indhoolayaasha Soomaaliyeed.

 Idale News Online, Doha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here