Wariye Nadaara Oo loo magacaabay Afhayeenka Dowlada Koofur Galbeed

0
359

Baydhabo(INO)-Saxafiga C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa loo magacaabay inuu noqdo afhayeenka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

nadaara

C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa sheegay in uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, isla markaana uu ku shaqeynayo, isagoo u mahadceliyay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Waa mid aan ku faraxsanahay xilka uu madaxweyne Shariif Xasan aniga ii magacaabay, kaasoo ah inaan noqdo afhayeenkiisa gaarka ah,” ayuu yiri C/qaadir Nadaara oo saxaafada la hadlay.

Sidoo kale, wariye Nadaara ayaa kasoo shaqeeyay saxaafada gudaha iyo dibadda waxaana ka mid ah warbaahinta uu kasoo shaqeeyay idaacado iyo taleefishinno kala duwan.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay loo magacaabay xilal ka tirsan kuwa dowladda,

Halkan Ka Akhriso Wareegto ka Soo Baxdey Xafiika Madaxweynaha KGS.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here