Baydhabo(INO)-Odayaasha dhaqanka ayaa isku khilaafsan tirade ay noqonayaan Xildhibaanada golaha baarlamaanka ee Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, waxaana laysku hayaa 95 xildhibaan iyo 127 mudane in laga dhigo, doodaas oo aad looga dareemayo guud ahaan sadexda gobal.
Odayaasha dhaqanka ayaa aaminsan in looga baahan yahay in dhamaanba Baarlamaanka lagu soo xulo qaab deegaan ah, taas oo ay diideen Odayaasha ka soo jeeda Shabeelada Hoose oo sheegay in lagu xadgudbay xaquuqdooda.
Odayaal ka soo jeeda Bakool iyo Bay ayaa diidan in si siman loo qeybsado xubnaha golaha baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, waxa ayna qabaan in laga kororsaday tirada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.