Daawo: Soo Dhaweyntii Wafdiga Dowlada Koonfur Galbeed Ee Ceel Jaalle Iyo Shalambood

0
390

Marka(INO)-Maalmihii ugu dambeeyay waxaa deegaano ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ku sugnaa wafdi wasiiro iyo xubno kale isugu jiray, kuwaa oo ka socday Dowlada  Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxa ay tageen deegaano ka mid ah Lambar 50, Ceel Wareegow iyo deegaano kale, iyaga oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka ku sugan gobalka Shabellaha Hoose.

Habeenkii xalay ahaa ayaa wafdigaan magaalada Marka waxa uu kulan ballaaran kula yeeshay Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgrad, kuwaa oo kasoo jeeda gobalka Shabellaha Hoose.

Uljeedka shirkaasi ayaa ahaa sidii loo fulin lahaa heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday degmada Afgooye, kaasi oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo horay gobalkaasi ugu dagaallamay.

Wafigaan ayaa usii gudbi doona deegaanka Jannaale ee gobalka Shabellaha Hoose, waxaana ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan, iyadoona la filayo in laga mira dhaliyo heshiiskii horay loo wada gaaray.

Halkan Ka Daawo.

ceel jaale 1ceeljaale 2DSC00099DSC00111DSC00114DSC00120DSC00121DSC00166DSC00266DSC00273DSC00274Idale News Online, Xafiiska Markacadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here