Dhageyso:Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay iney wado qorshe dalka looga hirgalinayo Cisbitaalo Casri ah

0
375

Muqdisho(INO)-Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay iney wasaaraddu ay waddo qorshe lagu tayaynayo Cisbitaalada dalka si looga maarmo in bulshada Soomaaliyeed ay adeegyo caafimaad u aadaan wadamo fog fog.

xaawo

Wasiirada Caafimaadka ayaa hadalkan ka sheegtay shir jaraa’id oo iyada iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ay si wadajir ah ugu qabteen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli ay garoonka ka dhoofeysay diyaarad Muqdisho ka qaaday 13 ruux oo ku dhaawacmay weerarkii Central Hotel.

Marwo Xaawo Xasan Maxamed wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahad celisay dowladda iyo madaxda dalka Imaaraadka Carabta sida deg dega ah ee ay uga soo jawaabeen codsigii dowladda ee ku saabsanaa in dibada loo qaado dhaawacyada weerarkii Central Hotel.

Wasiirka ayaasidoo kale u mahad celisay wadamada kasoo jawaabay codsigii dowladda Soomaaliya waxayna tilmaantay iney dib magacyadooda kasoo sheegi doonto wadamada kasoo jawaabay codsigooda.

Marwo Xaawo Xasan Maxamed wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in inta hartay dhaawacyada ay iyane sida ugu dhaqsaha badan ugu qaadi doonaan caafimaad dalka dibadiisa ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here