Xudur(INO)-Maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee dowladda Soomaaliya Maxamed Macallin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalo siyaabo kala goono gooni ah uga dhacay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalada ay dhankooda kasoo gaartay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, wuxuuna xusay in 2 askari ay dagaalka kaga dhinteen dhaawac kalane uu jiro,balse wuxuu sheegay iney Al-shabaab dagaalka qasaaro lixaad leh ku gaarsiiyeen.
Maxamed Macallin ayaan carrabaabin inta uu la egyahay qasaaraha uu sheegay iney Al-shabaab gaarsiiyeen,wuxuuna carrabka ku dhuftay iney ka saareen deegaanadii lagu dagaalamay, Gudoomiyaha ayaa sheegay iney dagaalka ku dileen rag badan oo ka tirsanaa Al-shabaabkii dagaalka la galay.
Gudoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka degmadaasi ay u diyaar garoobeen dagaal adag oo ay la galaan Al-shabaab,wuxuuna wacad ku maray iney wadayaan dagaalka ilaa ay Al-shabaab ka sifeeyaan deegaanada gobolka Bakool ee ay wali ku harsan yihiin.
Idale News Online, Xudur, Bakool.