Hargeysa(INO)-Mid ka mid ahaa Wasiiradii uu isku shaandheynta xilka kale ugu magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa iska diiday xilka loo magacaabay.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi casiis Maxamed Samaale ayaa Madaxweynaha waxa uu u magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare.
Halkan Ka Dhageyso.
Wasiir Samaale ayaa sheegay in maadaama aan wax wada tashi ah lagala sameyn xilkaasi uusan diyaar u aheyn in uu aqbalo ama uu qabto.
Tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu Madaxweyne Siilaanyo isku sharaxay in uu yahay Musharaxa Xisbiga Kulmiye waxaa soo baxayay khilaaf Xisbiga dhexdiisa ah.
Idale News Online, Hargeysa.