Marka(INO)-Wasiiradii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo odeyaashii dhaqanka Gobolka shabeelada hoose oo saakey booqday magaalada Shalambood ayaa hadda ku sugan deegaanka Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka.
Mas’uuliyiinta waxaa deegaanada ay booqdeen ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada Marka, barbaarta gaashaaman, ururada Haweenka iyo odeyaasha dhaqanka. Waxaa la filayaa in mas’uuliyiinta caawa seexan doonaan magaalada Ceeljaalle halkaas oo berri subax ay uga sii gudbi doonaan magaalada Markacadey ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Naga filo sawiro dhameystiran oo ku saabsan booqashada mas’uuliyiinta reer Shabellaha hoose ee magaalooyinka Shalambood iyo Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka.
Idale News Online, Marka,