Guracel(INO)-Kooxda Ahlu Suna ee gacanta ku haysa magaalada Guriceel ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dawladda Soomaaliya dhamaanba wixii dagaal ay kula jirtay kooxda Shabaab ee Soomaaliya ay uweecisay dhinaca Ahlu Suna iyo gobalada nabadda ah, waxa ayna kooxdan sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin dagaal dambe oo lagu soo qaado Ahlu Suna.
Sheikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan oo ah hadal hayeen uhadlay Ahlu Suna ayaa sheegay in ay wax laga xumaado u arkayaan talaabada dawlada Soomaaliya ay qaaday, isagoo ugu baaqay dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ahlu Suna oo uu sheegay in ay dhab ka tahay xoreynta dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Guracell.