Dhageyso: Qorshaha Maamul Federaal Oo Muqdiso ay qeyb ka tahay oo socda

0
211

Muqdisho (INO) -­ Xildhibaano gaaraya illaa dhawr iyo labaatan xildhibaan ayaa la kulmey Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, waxayna kala hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo gobolka Banaadir.

RW-CUmar

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ayaa sheegey in xildhibaanada ay ka mideysnaayeen arrimaha ay Ra’isulwasaaraha kala hadleen, ee ah in maamulkan dhismihiisa la dedejiyo.

Mar aan wax ka weeydiiney arrinka ku saabsan Muqdisho iyo sida laga yeelayo maadaamaa ay tahay caasimaddii dalka ayuu yiri xildhibaanka “Intee muqdisho ah horta, anaga waxaan ka hadlayno waa Muqdisho, Banaadir waa la yaqaano waa 17 degmo, dad baa inta aysan caasimad noqon ku noolaa, xuquuq ayay leeyihiin, tan dastuurka marka la meelmariyo ayaa la ogaanayaa inta maqaamka caasimadnimo leh, laakiin ka hor waa in dadkani xuquuqdooda laga tashadaa”

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here