Muqdisho (INO) — Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya, ayaa shaacisay inay Qorshooyin Cusub oo ay sheegtay inay ku sugayso Amniga Muqdisho, Maalmo kadib Weerarkii Central Hotel.
Sida uu sheegay Ridwaan Xaaji, Afhayeenka Xukuumadda Wasaaradda Amniga ayaa Baaritaano ku samayn doonto dhamaan Goobaha Ganacsiga, Hoteelada, Baabuurta iyo Goob kasta oo laga shakiyo si looga hortago Weeraro lamid ah kuwii ka dhacay Central Hotel.
“Wasaaradda Amniga waxay samayn doontaa Hab Cusub oo Baaritaano loogu samaynayo Baabuurta Raaxada ah ee Wadooyinka Muqdisho isticmaala, waxaana ay sidoo kale Ciidanka baari doonaan Hoteelada oo ah Meelah Dhibka ugu badan uu ka dhaco,” ayuu yiri Ridwaan Xaaji.
Qorshaha Wasaaradda Amniga wuxuu imaanayaa Todobaad kadib markii Kooxda Al shabaab ay Weeraro Ismiidaamin ah Jimcihii lasoo dhaafay Hoteelka Centraal oo ay ku dhinteen Dad badan oo gaaraya 25 Qof, oo Xildhibaano ay ku jireen.
Shalay Al shabaab waxay Maalin cad ay Weerar Hoobiyaal ah ku weerareen Xarunt aMadatooyadda Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Idale News Online – Muqdisho