Ceel Baar (INO) — Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya, ayaa sheegay in ay Weerar culsu ku qaadeen Saldhi weyn oo Shir ay ku lahaayeen Hogaamiyaasha Kooxda Al shabaab.
G/Sare C/raxmaan Maxa’ed Tima-cadde ayaa sheegay in Weerarka uu ka dhacay Deegaanka Ceer-Baar, oo 20KM u jira Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.
“Waxaan Weerarnay Deegaanka Ceel Baar xilli ay Hogaamiyaasha Al shabaab ay halkaasi Shir ku lahaayeen, waxayna ka hadlayeen sidii ay Dadka Xoolo-dhaqatada iyo Ganacsatada ah ay Lacago iyo Xoolo Zako ah ugu qaadi lahaayeen, dagaalka wali wuu socdaa, Khasaaraha lama oga” ayuu yiri G/sare Tima-cadde.
Wuxuu sheegay in Kooxda Al shabaab ay Dhibaatooyin kale duwan ku gaarsiiyeen Dagaalka, isagoo aan sheegin Tirada Khasaaraha dhankooda iyo dhanka kale, waxaana aad u adag in la helo Warar madaxbanaan.
Dhamaan Degmooyinka Gobolka Bakool, waxaana hadda maamula Ciidanka DFS, iyadoo Al shabaab ay joogaan oo kaliya dhulka Miyiga ah iyo Deegaanada kale oo la sheegay inay Degmooyinkii lagoo saaray ku go’dominayaan.
Idale News Online – Muqdisho