Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan aya kulan La Qaatey Odayaasha Dhaqanka ee Degaanada Dowlada KG Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Kulunka ayaa Looga Hadley Xiqiinta Amaanka iyo dar dargalinta Xulista Xildhibaanada Baarlamanka ee dowalda Koonfrur Galbeed Soomaaliya, oo loo xilsaarey Gudi ka tirsan Odayaasha Dhaqanka.
Malaaq Deerow Oo ah Afhayeenka Gollaha Guurtida ee Odayaasha Dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa u sheegey warbaahinta wax yaabhii ay wada hadleen iyaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kale wasiirka War faafinta iyo Wacyigalinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa isna ka warbixiyey kulunka.
” Maanta waxaa kulun yeeshey Odayaasha iyo Madaxweynaha, si la isu siyo xogo ku saabsan Safarkii madaxweynah uu ku tagey Dalalka itoobiya iyo Kenya” ayuu yriri Wasiirka Warfaafinta Ee KG Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Dhan kale Malaaq Deerow Ayaa Sheegey” Maanta Waxa kulmey Madaxweynaha, Qaar ka mid ah wasiirada KG Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka, Sida aad la socotaan Dhawaanahan odayaasha dhaqanka waxaay wadeen abuul lagu doonay0 xulida baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Taaasi ayaa ugu muhiimsanaa kulunkeena maanta”
Halkan Ka Daawo.