Ciidamada Dowlada Kenya oo Xabsiga Dhigay in ka badan 100 Itoobiyaan ah

0
176

Nairobi(INO)-Ciidanka booliiska dalka Kenya ayaa 100 ruux oo Itoobiyaan ah xiray Talaadadii lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay yihiin kuwo dadka u tahriibiya dalka Koonfur Afrika, iyagoo marin uga dhiga Kenya.

 xabsi

Eedeysanayaashan ayaa kasoo muuqday maxkamad, laakiinse dacwadooda ayaa dib loo dhigay, kaddib markii la sheegay inaysan aqoon afka Ingiriiska oo ay ku hadlaan oo keliya afkaAmxaariga.

Taliyaha ciidamada baarista dambiyada ee waddanka Kenya, Noah Katumo ayaa xusay in Itoobiyaankan lala soo xiray saddex qof oo Kenyan ah, iyadoo la sheegay in ay ahaayeen kuwo dadka tahriib-doonka ah kasoo tallaabiya xadka labada dal u dhexeeya.

Sidoo kale, Katumo ayaa xusay in raggan laga soo qabtay sadex guri oo ay ka degenaayeen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya habeenkii Isnaanta, isagoo intaas ku daray in dadkan ay ku lug lahaayeen dhoofinta tahriibayaasha.

Booliiska Kenya ayaa horay u sheegay in dadka wax tahriibiya sidoo kale loo isticmaalo gudbinta hubka sharci-darrada ah, daroogada, faanta maroodiga iyo waxyaabo kale.

Ugu dambeyn, sannadkii lasoo dhaafay ayaa xadka qaybiya dalalka Tanzania iyo Kenya lagu xiray 95-qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo u socday waddanka Koonfur Afrika

Idale News Online, Nairobi.