Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartey Xaalada Adag Ee Buurhakaba

0
227

Baydhabo(INO)-  Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in gargaar ah lala soo gaaro deegaano ay ka mid tahay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay, halkaas oo ay ka jirto biyo la’aan khatar galinaysa dadka deegaanka.

Buurhakaba

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Aaden SATE ayaa ku dhawaaqay in hay’adaha caalamiga ah si deg deg ah ula soo gaaran, gar gaar deg deg ah degmadaas.

Wafdi ka socda Dowlada  Koonfur Galbeed oo tagay magaaladaas ayaa soo arkay xaalad adag, waxa ayna sheegeen in ay biyo deg deg ah udiri doonaan magaalada Buur-hakaba.

Socdaalka waftiga ayaa lagu sheegay u kuurgalidda xaaladaha adag ee biyo la’aaneed ee haysata shacabka ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo deegaanada hoos yimaada,waxaana waftiga si diiran usoo dhaweeyey masuuliyiinta degmada iyo dadweyne tiro badan.

Masuuliyiinta ayaa markiiba booqday warta magaalada ee ay dadku biyaha ka cabijireen taasoo xiligan gabi ahaanba gudhay,wasiirka arimaha gudaha Dowlada Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya C/raxmaan Sate ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka iney si dhaqso ah biyo dhaamin uga bilaabaan degmada Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaada.

Ugu Dambeyntii Dadka ku dhaqan gudaha degmada Buurhakaba ayaa biyaha u doonta ceel magaalada u jira qiyaastii 20-Km taasoo keentay iney dad badan ka barakacaan degmada,waxaana lasoo sheegayaa iney halkaa ka taagan tahay xaalad biyo la’aaneed oo ba’an.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here